Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay reysul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Kulanka ayaa looga hadlay wada shaqeynta iyo soo nooleynta xiriirka ganacsi iyo kan waxbarsho ee u dhaxeeyay  Soomaaliya iyo Hindiya iyadoo reysul wasaaraha  dalkaas uu  ballanqaaday inuu soo celin doono xiriirkaas.

Wafdiga madaxweynaha ayaa hor dhigay dowladda Hindiya  sida dalka Soomaaliya xiligan uga soo kabsanayo dagaalada iyo dhibaatada uu muddada dheer ku soo jiray iyo dagaalka lagula jiro argagaxisada.

Reysul wasaaraha Hindia ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan arimaha waxbarashada iyo iskaashi laga yeesho la dagaalanka argagaxisada iyo taakuleynta dhanka mileteriga.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waddankiisu diyaar u yahay soo nooleynta xiriirkii ganacsiga ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Delhi wuxuu la kulmi doonaa qaar ka mid ah madaxda dalalka afrika ee ka qeyb gashay shirka iskaashiga wadamada Afrika iyo Hindiya.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay