Waxaa  Magaalada Nairobi Xarunta Wadanka Kenya Maanta Lagu Qabtay Shirkii Bilaha ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenia gaar ahaan Faraca Faafan, shirka ayaa waxaa ka soo Qeyb galay inta badan Xubnaha Faraca Faafan Waxaa Sidoo kale ka Soo Qeybgalay Masuuliyiinka mid ah madaxda Jabhada Wadaniga Xoerynta Ogadenia.

Shirka oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa xidhiidhiyaha jaaliyadaha bariga afrika  ayaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysay xaalada wadanka iyo shacabka Ogadenya gude iyo dibadba.

Sidoo kale  waxaa halkaasi Kahadlay Halgame Sheekh Abdullahi Baxar oo ka soo qeybgalayaashi kala hadlay Marxaladihii uu soo maray Halganka Gobanimadoonka ah ee ka socda wadanka Ogadenia maantana  Hormoodka ka tahay Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenia.

Waxaa isaguna Madaxsha Shirka ka hadalay ku/hogaanka Amaamulka iyo Arimaha Samafalka Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia  oo ka yimid Wadankaasi Canada Halgame Abdirahman Dheere.

Shirkan oo ahaa mid aad u xiiso  iyo Xamaasad badnaa ayaa abaalmarino shaqo wanaag iyo firfircooni lagu gudoonsiiyey 13 xubnood oo kamid ah jaaliyada bariga afrika faraca Faafan, wuxuuna shirku kusoo gabagaboobay guul.

ONA/Nairobi

 

 

1 2 3 4 5 6 7 DSC04334 DSC04335 DSC04336 DSC04337 DSC04338 DSC04339 DSC04340 DSC04342

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay