Wararka naga soogaadhaya Gobolada Shabeelle iyo Nogob ee dhulka Ogadenia ayaa sheegaya 2 dagaal oo ciidanka gumaysiga lagu xasuuqay. Warkan oon kahelay wariyaha ONA uga soowarama Xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa tilmaamaya dharbaaxo culus oo ciidanka gumaysiga kasoo gaadhay dagaaladaas khaasatan dagaalka Gobolka Shabeelle oo ahaa mid aad u culus.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 20/10/15 deegaanka lagu magacaabo Caloolacad oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal fool ka fool ah oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray ayaa ciidanka cadawga lagaga dilay 7 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Maalinimadii Talaadada ahayd ooy taariikhdu ku beegnayd 27/10/15 meesha layidhaahdo Qowtudh oo Dagmada Goday ee xarunta Gobolka Shabeelle katirsan weerar aad loosoo qorsheeyay ooy Ciidanka Xooga Dalka Ogadenia kuqaadeen ciidanka wayaanaha oo halkaas kusugnaa waxaana ciidankii cadawga laga dhigay mid ladilay iyo mid ladhaawacay warka ayaa intaas kudaraya ineey CWXO gacantooda soogashay qaniimo badan waxaan kudaba jiraa faah faahinta dagaalkan idam Allah.

ONA/Ogadenya
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay