Kobcinta garaadku waxay door muhiim ah ka qaadataa guusha mustaqbaleed ee qofka iyo isbadalka wakhtiyada nolosha ee kala duduwan. Halgamayaal wadada ugu wanaagsan ee garaadka lagudhiso waa (Akhriska), haduu akhriskaagu bato waxaa siyaadaysa aqoontaada, hadii ay aqoontaadu siyaadana waxaa yaraanaya baahida aad u qabtid aadamaha, mar hadii ay yaraato baahida aad u qabtid aadamahana waxaa badanaysa baahida adiga laguu qabo.
Hadaba halgamayaal dadka wax akhriya waa hal abuurayaasha dunida waa dadka fikradaha cusub ku soo kordhiya dunida, waa dadka hormuudka u ah isbadalka bulshadooda, waa dadka wax hogamiya, hadaba si aynu intaasba u xaqiijino oo aynu bulshadeena uga saaro musiibadan ku habsatay ee daba jiitamaysa wakhtiga aadka u dheer ee ah gumaysiga iyo jahliga waa in aynu dhamaanteen ku dadaalno sidii aynu u badin lahayn akhriskeena oo aynu uheli lahayn aqoon ina anfacda insha allaah.

Akhrisku waxa uu kor uqaadaa tayada qofka fikir ahaan, aqoon ahaan, akhlaaq ahaan, dhaqan ahaan, hadal ahaan oo marka uu hadlayo wuu ka duwanyahay dadka kale, hadalkiisu waa xikmad waxaa ku cajab galinaysa waxa kasoo burqanaaya, habka uu u hadlayo iyo habka uu ugu haboonyahay hadalkiisu ujeedada xaqiiqda mawduca.

Diinteena suuban waxa ay siisay akhriska muhimad gaar ah waxaad ku dareemi kartaa aayadii ugu horaysay ee lagu soo dajiyo Nabigeeni Muxamed (SCW) waxay ka hadlaysay, ee suurada iqra (iqra) oo uu macnaheedu yahay akhri.
Halgamayaal barashada cilmiga, diinta islaamku waxay siisay muhiimad gaar ah cilmiga, waa waxa kaliya ee lagu badali karo umad, laguna gaadhsiin karo horumar iyo barwaaqo xoriyadeed, hadaba si cilmigaas loo helo waxaa loo
bahanyahay akhris badan.

Akhriskaga oo bata waxa uu kugu hogaminayaa horumar iyo koboc garaadkaga maskaxeed, waxaa taas tusaale inoogu ah, marka aad akhridid taariikhda oo aad rogrogtid baalasheeda, waxaa kuu soo baxaya nin ay taariikhdu magaciisa si wanaagsan u xustay waana (isxaaq Newton) waa khabiirkii reer Britain, ee ku soo kordhiyay dunida cilmi lagu intifacay oo ku cusub, waxaa ugu muhiimsana hal abuuradiisa (fikradii cuf isjiidadka ama gravitation theory).
Waxay xusaan marka ay ka sheekaynayaan taariikhdiisa inuu ahaa nin aad u maskax badan, hadaba qoraaga buuga (100 greatest) Michal hart, ee taariikhda ah, buugaas oo uu kusoo ururiyay 100-ka nin ee dunida ugu saamaynta badan, hadana fikradahoodi hal abuurnimo ay ilaa hada jiraan, marka uu ka sheekaynayay isxaaq Newton, waxaad dareemaysaa in akhrisku muhiim uyahay garaadka iyo tayaynta maskaxda, halgamayaal akhriska badan waxa uu kuu samayn hayaa isbadal aad u wayn oo aan la qiyaasi Karin, kaasoo saamayn ku yeelanaya dhankasta noloshaada iyo mida bulshadaada ood wax wayn kaga badali kartid.

Hadaba halgamayaal, walaalayaal waxaan idin kula dardaarmayaa:-
( Dadka wax akhriya waa kuwa wax hogaamiya)’ ( Readers are the leaders ).

Bye: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay