Waxaa maanta ooy taariikhdu kubeegnayd 30/10/15  shir isugu yimid Jaaliyada Somali Ogaadenya ee kudhaqan caasimda Boqortooyada Sucuudiga ee Riyaad. Shirkan ayaa lagu furay ayaadaha quraanka iyo wacdi diini ah uu soo jeediyey Sheekh Xasan Nuur.

Waxaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo kusaabsan dar dar galinta jaaliyada soo jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada iyadoo uu sheegay ineey waajib tahay in laqaato qoraalkii kasoobaxay Afhayeenka IWXO Mudane Cadaani Hirmooge ahna iskuduwaha jaaliyadaha.

Waxaa isna ka warbixiyey dagaalada, xidhiga iyo jirdilka lagu hayo shacabka Somalida Ogadenya ee gudaha kusugan Hogaanka Warfaafinta ee Jaaliyada Riyaad Mudane Cube Haybe. Waxaa isna madasha shirka kahadlay Wakiilka JWXO ee Bariga Dhexe Shekh Cabdullahi Ciraaqi.

Mudane Ciraaqi ayaa arimo badan ka hadlay wuxuuna ku booriyay xubnihii madasha shirka fadhiyay ineey dadaalkoda sii laba jibaaraan sababtoo ah Halganka Ogadenya maana wuxuu gaadhay meel uusan waligii gaadhin. Shekha ayaa xubnaha ku adkeeyay in xil wayn la iska saaro waxqabadka iyo horumarina hawlaha halganka.

Kulankan ay Jaaliyadu yeelatay ayaa kusoo idlaaday jawi aad u wanaagsan iyo wacdidiini ah oo lagu soo khatimay shirka. Waxaana la isku balansaday sidii xoriyada Ogadenya dhidibada loogu aasi lahaa Inshaa Allah.

ONA-RIYAAD

 

20151030_131121

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay