Maanta oo Sabti ahayd taarikhduna ay ku beegnayd 31/10/2015 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab kadhacay shirkii caadiga ahaa ee faraca Midnimo. Kulankan oo ahaa mid balaadhan aadna looga soo shaqeeyay ayay kasoo qayb galeen inta badan xubnaha Faraca Midnimo ee kahowl gala xerada Dhagaxlay.

Shirkan ayaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Hogaanka Diinta ee faraca mudane Sheekh Cabdinajiib wuxuuna sheekhu in badan dadkii shirka fadhiyay xasuusiyay cabsida Allaah S.W.  intaas kadib waxaa horay loosii anba qaaday qodobadii shirka ay gudidu ugu tala galeen ooy ku jireen qodob doodeedyo aad u mug wayn oo maanta ay gudigu lawadeegeen xubnihii shirka kasoo qayb galay ooy ku jireen kaadir fara badan oo u bisil dhinaca doodaha iyo gorfaynta umuuraha.

Qodobadii caadiga ahaa ee shaqa maalmeeda gudigu markay dhamaatay waxay gudigu soo qadimeen dood kusaabsan falan qayn laxidhiidha xeerka Bariga Africa ee lagu dhaqo jaaliyaadka Bariga africa oo lagaadhay
xiligii labadali lahaa waxayna xubnihii shirka fadhiyay si ay lexjeclo kujirto uga doodeen guud ahaan qodobada xeerka waxaana farta lagu fiiqay meelaha u baahan in dib u eegis lagu sameeyo iyadoo ay gudigu qorteen qodobadii iyo afkaarihii kasoo baxay falanqaynta qodobkaas kusaabsan.

Sidoo kale gudiga ayaa sooban dhigay aragtida bulshada ee ku aadan isbahaysiga cusub ee ay JWXO lagashay mucaaradka ku kacsan gumaysiga Itoobiya wuxuuna qodobkaasu noqday mid aad loo falanqeeyo iyadoo sifiican loo dhagaysanayay aragtiyada nadiifta ah ee kasoo baxaya xubnaha shirka fadhiyay waxaana qalinka lagu duugay ineey ahayd guul usoo hoyatay guud ahaan shacabka Somaalida Ogadenia.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa sinabad ah ku soo dhamaaday kulankii oo ahaa mid aad u xiiso badnaa.

 

ONA/ Dhagaxlay

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay