Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soo waramaya Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegaya tacadiyo baahsan oo isugu jira Kufsi, Xidhay iyo Dhac oo kadhacay Gobolo iyo Dagmooyin badan oo kamid ah dhulka Ogadenia.

Wariyaha oo soo uruuriyay tacadiyadii ugu dambeeyay ayaa soo tabinaya tacadiyo ka kala dhacay deegaano badan oo katirsan Gobolada Nogob sida Lagahida, Sagag, Garbo, & Fiiq.

Waxaa markay taariikhdu ku beegnayd 23/10/15 Dagmada Lagahida ee Gobolka Nogob ay ciidanka gumaysigu ku
xidheen ninka lagu magacaabo Maxamad Cabdiraxmaan. Sidoo kale 24/10/15 Dagmada Sagag oo isla Gobolka Nogob katirsan waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah:- 
1 cabdixakiin macalim daahir
2 sayid maxamad axmad cowl
3 khadar cabdi dheere iyo qof kale oo aanaan magaciisa wali helin.

Dhinaca kale 25/10/15 meesha layidhaahdo Dulgaban oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan waxay
ciidanka dhaqan xumada ku caanbaxay ee gumaysigu ku kufsadeen 3 gabdhood oo lagu kala magacaabo:-
1 Nimco maxamad xaaji
2 Nimco cabdi daahir
3 magool oo aanaan magaceeda oo buuxa haynin.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 27/10/15 isla Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob ay ciidanka wayaanuhu ku
xidh xidheen dadka kala ah:-
1 xaaji cali maxamad shugri
2 mustafe axmad mataan
3 bashiir maxamad shugri.

Maalimadii Talaadada ahayd ooy taariikhduna ku beegnayd 27/10/15 Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob waxay ciidanka bahalka ah ee gumaysigu Kufsi, Xadhig iyo jidhdil isugu dareen gabadh lagu magacaabo Aamina Cabdulaahi Sulub.

ONA/ OIgadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay