War deg deg ah oo  naga soo gaadhay magaalada Bahir Dar  ee Gobolka Axmaarda ayaa  tibaaxaya ineey shaqo joojin sameeyeen Taxidii  magaaladaasi.

Wararku waxay intaas ku dareen in  laga bilaabo shalay ooy taariikhdu ahayd 31da bisha Oktober  ay mudaharaad aad u xoogan  ka  bilaabeen magaalada Bahir Dar. Waxaa kala xayirmay dhamaanba  isu socodkii magaaldaas taasoo keentay ineey dad badani isu soo baxaan.

Arintan ayaa waxay ku abuurtay cabsi wayn ciidamada Woyanaha gaar ahaan kuwa sir doonka u qaabilsan.  Mudaharadkan ayaa lagaga  soo horjeedaa xukuumada Addis Ababa ee u Tigregu ka taliyo.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha wararkan kala soco ONA inshallahu.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay