Khubaro katirsan Bangiga Aduunka (The World Bank) ayaa sheegay in dhawr wadan oo kamid ah wadamada soo koraya ay horumar ka gaadheen fududaynta in ganacsi tayo leh lasameeyo.

Daraasada sanadlaha ah ee Bangiga Aduunku uu soo saaray oo kusaabsan fududaynta in Ganacsi lasameeyo ayaa tibaaxaysa in wadamado badan oo African & Asian ah ay horumariyeen nidaamka iyo shuruucda kusaabsan sidii ganacsi loosamayn lahaa.

Wadanka ugu horeeya ayaa noqday Singapore, ooy kuxigto Newzealand iyo Denmark. Laakiin warbixinta waxay sheegaysaa inay jiraan calaamado muujinaya in waddamada saboolka ah ay muujiyeen horumar sida samaynta ganacsiga loo fududeeyo.

Tobanka waddan ee horumarka gaaray waxaa ka mid ah Kenya, Senegal iyo Kazakhstan. Isbadalada badankood ee sanadkii hore ayaa loogu tala galay inay yareeyaan qarashka iyo sharciyada ganacsiga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay