Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soowaramaya xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegaya tacadiyo baahsan oo isugu jira Kufsi, Xidhay iyo Dhac oo kadhacay Gobolo iyo Dagmooyin badan oo kamid ah dhulka Ogadenia. Wariyaha oo soo uruuriyay tacadiyadii ugu dambeeyay ayaa sootabinaya tacadiyo kakala dhacay Gobolada Doollo, Shabeelle iyo Qoraxay.

Waxa markay taariikhdu ahayd 22/10/15 Gudhis oo Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan ay ciidanka wayaanuhu kuxidheen gabdhaha kala ah:- Canab Cabdi Barre & Bishaaro Maxamad Nuur.  Sidoo kale 25/10/15 deegaanka loo yaqaano Cadalay oo Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka cadawgu ku xidh xidheen 20 qof oo aan magacyadooda ka helay:- 
1 cabdi maax
2 khaliif cabdi samad
3 kore ibraahim maxamuud xaashi
4 maxamad faarax ibraahim
5 cabdiwali cali cumar
6 maxamad axmad foolow.
Dhanka kale maalinimadii Isniinta ahayd ooy taariikhduna ku beegnayd 26/10/2015 Caado oo Dagmada Danood ee Gobolka Doollo katirsan waxay ciidanka gumaysigu mooraduug iyo xabsi isugu dareen qoysaska kala ah
1 ree cabdi aadan aardoon oo dad iyo duunyaba laxidhay
2 ree oogle axmad caafi oo dad iyo duunyaba laxareeyay
3 ree muxumad cabdi saalax.

ONA/ Ogadenya

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay