Sidaad kala socoteenba Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA, waxaa xiisad dagaal uu ka taagnaa intii mudo ahba magaalada Tepi oo kutaala Kililka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya.

Wararka ONA ay heshay ayaa tibaaxaya in 20 askari oo kamid ah ciidanka Gumaysiga Itoobiya lagu dilay magaalada Tepi. Warkan ayaa intaas kudaraya in dagaal culus uu deegaankaas ka dhacay. Koox hubaysan oo isku magacawday Dagaalyahanka Xoraynta Tepi oo ubadan dhalinyaro iyo shacab iskood isu abaabulay kadib markay u adkaysan waayeen dhibaatooyinka kaga imaanaya ciidanka Gumaysiga Ioobiya ayaa weerar culus soo qaaday.

Waxaa cusid mudan in dhawr jeer oo hore ay iskaga hor yimaadeen Ciidanka Gumaysiga Itoobiya iyo kooxdan hubaysan ee kasoo horjeeda , dagaaladaasoo khasaare laxaad leh ay kasoo gaadheen ciidanka Gumaysiga Itoobiya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay