Capture.PNG13

Jaaliyada Ogadenia ee wadanka Australia ayaa Kulan ay ku yeesheen 01/11/2015 Magaalada Melbourne ee caasimada Gobolka victoria halkaas oo ay ku dhaqantahay Jaaliyada ugu badan Wadanka Australia waxay soo saareen Baaq ay ku taageerayaan Heshiiskii ay dhawaan wada galeen Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) iyo garabyada mucaaradka Hubaysan ee kasoo horjeeda xukuumada gumaysiga Itoobiya Heshiiskan oo ay jaaliyadu ku tilmaantay inuu yahay talaabo dhanka horu marka siyaasada looqaaday iyadoo jaaliyadu ay soo dhawaysay muhiimada ay leedahay in lala shaqeeyo lana taageero ururkasta oo mucaarad ku ah xukuumada Adis Ababa ee dhiigyo cabka ah  isla markaana aan wax dhibaato ah aan ku ahayn Halganka qadiyada Ogadenia.

Sidoo kale waxay jaaliyadu si farxadi ku dheehantahay usoo dhawaysay dadaalka iyo Isbedelada Horumarka la taaban karo ee dhinaca  siyaasada uu ka sameeyay ururka ONLF wakhtiyadii ugu danbeeyay gaar ahaan siyaada arimaha dibada.

Kulan kan oo ujeedadiisu ahayd taageero iyo isgarab taag ay jaaliyadu u muujinayso heshiiskii dhawaan ay Madaxda sare ee jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeeniya la gashay mucaaradka Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale lagasoo jeediyay qudbado iyo talooyin wax ku ool ah Halkaas ooy dhamaan xubnaha jaaliyaduna fikir kooda ka dhiibteen, shirka ayaa wuxuu uqabsoomay si heerkeedu aad usareeyso oo dhamaan dad waynihii kasoo qabyb galay umaqsuudeen  iyagoo kasoo kicitimay meelo badan wuxuuna ku dhamaaday sidii caadada ahayd farxad,is af garad iyo bogaadin aad usaraysa oo ah Mintid iyo midnimo isku tashi,Guul iyo Gobanimo Allahu akbar

ONA- Melbourne Australia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay