Taliyaha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Aaden Axmed, ayaa kulan kula yeeshay xarunta safaaradda Ingiriiska ee  magaalada Muqdisho safiirka dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya danjire Harriett Mathews.

Taliyaha iyo safiirka ayaa waxay  ka wada hadleen taageerada ay  Boqortooyada Ingiriiska siiso ciidamadda xoogga dalka ayagoo isku afgartay  in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan ciidanka Xoogga.

Safiiradda ayaa balanqaaday  inay bixinayaan mushaaraadka ciidamadda Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska xeryaha ciidamadda si loo xoojiyo tayada iyo tababarka ciidanka.

Sidoo kale danjiraha waxay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee hotel Saxafi,  iyadoo u rajeysay inta dhaawaca ah inay ka soo kabtaan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Aaden Axmed ayaa u jeediyay mahad celin  safiirka iyo dowladda Ingiriiska taasoo ku aadan  taageerada  dib u dhiska ciidanka xoogga dalka iyo dadaallada dib-u-dhiska dalka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay