Xisbiga talada dalka Turkiga haya ee la yidhaahdo Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa guul aad u balaadhan kasoo hoyiyay doorashadii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday Axaddii, waxaana guusha xisbiga u horseedday inuu markale keligii xukuumad soo dhisi karo.

Dalka Turkiga ayaa soomaray 5 bilood oo qalalaase ka taagnaa guud ahaan dalka kadib markii doorashadii dhacday uusan xisbina heli waayay codad uu kusoo dhiso xukuumad, isla markaana xisbiyadu ay isla fahmi waayeen qaabka ay u soo dhisi karaan xukuumad wadaag ah oo dalka talada u qabata.

Xisbiga AK ayaa ku guulaystay in 49% kuraastii baalmakaanka kuwaas oo gaadhaya illaa 316 kursi oo ka mida 550-ka kursi ee Golaha Baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay, taasoo aad uga sarraysa guushii la saadaalinayey doorashada kahor.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay