Intii la asaasay Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya (OYSU) wuxuu ku guulaystay inuu kasbado indhaha caalamka suu u gaadhsiiyo qadiyadda shacabka Ogadenya, iyagoo karti iyo aqoon u yeeshey inay si xirfad leh u dhex galaan maxfalada caalamka ee lagaga hadlayo arimaha quseeya Afrika iyo Xuquuqda shucuubta ku hoos nool cadaadiska iyo cabudhinta.

Waxaa maalinta bari ah dalka Portugal ka furmi doona shirweynaha Dhalinyarada iyo Ardayda ee qaarada Europe , shirkan oy ka soo qayb gali doonaan in ka badan ururada 25 dal oo ka tirsan midowga Europe.

Kulankan balaadhan waxaa si rasmi ah loogu casuumay markii ugu horaysay ururka OYSU – oo loo doortay inuu ku hadlo magaca Ururada dhalinyarada Afrika ( African Youth Living in Europe )

Shirkan oo socon doono mudo shan maalmood ah ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo badan oy ka mid tahay ( “ From MDGs (Millennium Development Goals) to MDGs Wins” – 19th to 21st ).

Ku xigeenka Xoghaya qaarada Europe OYSU Mudane Mohamed Amin ayaa warbixino ka soo jeedin doono shirweynaha isla markaana ku soo bandhigi doono Filamkii BBCda ay ka soo diyaarisan xaalada guud ee qoomiyadaha kala duwan ee Ethiopia maanta ku nool yihin iyo nolosha qalafsan ee dhalinyarada iyo ardayda somalida Ogadenia iyo kuwa Africa ka haysata maamulada ay ku hoos nool yihin .

Mudane Mohamed Amin wuxuu kaloo shirar iyo kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa masuuliyinta Ururada dhalinyarada iyo ardayda ee qaarada europe ee wax badan kala soconin xaalada dhalinyarada ee somalida Ogadenia .

Shirkan oo socon doono mudo shan cisho waxaad si toos ah kala soconaysaan saxaafadaha Ogadenia ee xorta ah

Xafiiska saxaafada OYSU

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay