Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay xabsiga dhigeen saddex Oday Dhaqameed.

Xariga Odayaashaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii sida la sheegay ay ka soo horjeesteen caleemo saarka Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey uu u magacaabay Axmed Madoobe, kaasi oo maalin ka hor lagu caleemo saaray Garbahaarey.

Nabadoon Xasan Ibraahin oo ka mid ah Nabadoonada Degmada Garbahaarey ayaa sheegay inay xiran yihiin saddexda Oday dhaqameed ee ka soo horjeestay caleemo saarka Guddoomiyaha Degmada Garbahaareey.

Waxa uu sheegay inay xiran yihiin Odayaashaasi iminka ay socoto waan waan la xiriirta sidii loo sii deyn lahaa.
Ciidamada Ethiopia ayaa gadaal ka riixaya Maamulka cusub ee Degmada Garbahaarey oo tan iyo markii la soo magacaabay diidmo kala duwan kala kulmaayay shacabka Degmada Garbahaarey.

Lama oga tallaabada ay ka qaadi doonaan ciidamada Ethiopia Odayaashaan la sheegay inay ku xireen Degmada Gabahaarey ee Gobolkaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay