Labo Sarkaal oo katirsan ciidamada Maraykanka ayaa lagu dilay xero lagu tababaro Booliiska dalka urdun oo kutaala magaalada Cammaan ee caasimada wadanka Urdun (Jordan).

Weerarkan ayaa la sheegay inuu gaystay mid kamid ah Askarta Booliiska ee wadanka Urdun oo rasaas la beegsaday saraakiisha ajnabiga ah ee tababarka siiya ciidamada Booliiska ah ee Urdun.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu sidoo kale ku dhintay sarkaal ciidamada tababarayey oo u dhashay dalka Koonfur Afrika. Waxaana ku dhaawacmay lix askari oo kale. Askarigii weerarkan gaystay ayaa isagana toogasho lagu dilay.

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa ku baaqay in dawlada urdun ay baaritaan ku samayso sababta ka danbaysa weerarkan lagu dilay saraakiisha maraykanka ah.

Dawlada Maraykanka ayaa ka taageerta dalka urdun dhanka tababarada ciidamada, dalkaasi ayaa kamid ah wadamada kacabsida qaba saamaynta ay kooxda ISIS ku leedahay dalkaasi oo la sheegay ineey kusugan yihiin xubno xiriir laleh kooxaha ka dagaalama wadamada dariska la ah wadanka Urdun ee kala ah Suuriya & Ciraaq.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay