Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta ONLF mudane Xasan Muxumed Macalin ayaa waraysi siiyey Radio Goobjoog oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha aya laga waraystay dagaalo maalmihii ugu dambeeyey ka socday deegaano ka tirsan gobolka Nogob ee wadanka Ogadenya siiba tuulada Darguduud oo katirsan degmada Lagahida,dagaalkaas oo uu ka dambeeyo gumaysiga oo isku diray dadka walaalaha ah ee shacabka ah ee aagaas daga.

Gudoomiyaha ayaa cadeeyey in dagaalada laisku dirayo dadka walaalaha ah ee Ogadenya iyo Soomaaliyaba ay tahay caadada gumaysiga uuna doonayo inuu halganka lagula jiro kaga mashquuliyo isku dirka shacabka uu gumaysto.

           HALKAN DHAGAYSO

      1. 120107_001 - My Recording
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay