Waxaa magaalada Valletta ee Jasiirada Malta ka furmay shir labo bari socon doono ooy kasoo qaybgaleen wufuud kala duwan oo kasocda qaaradaha Yurub & Africa.

Hogaamiyayaasha labada qaaradood ayaa  kawada hadlaya ineey iskaashi buuxi & wada shaqayn labada dhinac ah ay yeeshaan sidii lagu xakamayn lahaa qulqulka tahriibayaasha Africa ee kusoo qulqulaya qaarada Yurub.

Golaha Midawga Yurub waxay siin doonaan Qaarada Africa €1.8 bilyan oo Euro, kaasoo lagu taageerayo mashruuca maalgalinta Qaarada Afrika. Ujeedada dhaqaalahaas ayaa ah in lagula dagaallamo dhaqaale xumida iyo arrimaha amniga ee asaaska u ah in dadka African ka ah ay wadamadooda kasoo tahriibaan.

Dhanka kale Midawga Yurub waxay doonayaan in Africa ay dib usoo ceshato dadka dhaqaale doonka ah ee usoo tahriibaya Qaarada Yurub.

Kulankan Valletta ka furmay ayaa ah mid ahmiyad gaar ah u leh wufuuda ka qaybgalaysa ee ka kala socota labada dhinac, inkastoo Midawga Yurub ay aad ugu mashquulsan yihiin qaxootiga kasoo qaxaya wadanka Suuriya hadana waxaa lagu qiyaasaa qaxootiga Africa ee Yurub kusoo qulqulaya ku dhawaad 150 kun oo qaxooti ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay