Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa Talaadadii shalay shaaca ka qaaday in dalkiisa uu wado dhismaha hub cusub oo lid ku ah Difaaca Gantaalada ee Isbaheysiga Maraykanka ee NATO.

Putin ayaa sheegay in Maraykanka uu weli wado dhismaha iyo baahinta Gantaalada uu ku tilmaamay difaaca ee uu dhigayo wadamada Yurub, si loo go’adoomiyo awooda Nukliyeerka ee Ruushka.

Maraykanka ayaa horey ugu doodayey in dhismaha Gantaalada Difaaca ee Yurub dhigayo ay yihiin kuwo ku wajahan xakameynta khatarta ka imaan karta hubka ridada dheer ee Iran iyo Kuuriyada Waqooyi, balse Putin ayaa sheegay in arrintaasi ay muuqato inay ahayd mar marsiinayo loogu soo gabanayey Ruushka.

Xataa hada oo la saxiixay heshiiska Iran, weli Maraykanka hawshiisa waa sii wataa, waxaana muuqata Iran iyo Kuuriyada Waqooyi inay ahaayeen mar marsiinyo balse cida loo socdo ay tahay awooda Ruushka oo la doonayo in la wiiqiyo….” ayuu yiri hogaamiyaha Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in iyaguna ay dhisan doonaan hubka difaaca gantaalada oo xakameyn kara hubka Maraykanka, isla markaana ay ka dhinac wadi doonaan sameynta hub kale oo casri ah oo aysan u babac dhigi karin ganataalada Maraykanka uu soo dhigay Qaarada Yurub.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay