Madaxwaynaha Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga uga qaybgalaya shir uga furmaya madaxda waddammada xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ameerikada Koonfureed.

Shirka oo ah kii afaraad ayaa looga arrinsanayaa sidii Carabta iyo Laatiin Ameerika ay isaga kaashan lahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka uga warbixiyo xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay in gacan laga siiyo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada kooban ee uu ku suganaan doono Riyaadh waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa qaar katirsan madaxda ka qaybgalaysa shirka oo uu kala hadli doono arrimo quseeya danaha dalkiisa.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay