Shirkii dhalinyarada aduunka ee ka socday dalka Spain ayaa maanta galay maalintisii afaraaad waxaana looga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen sida loo horumarin karo dhalinta qurbaha ku nool qarnigan.

Brief organisation description (vision, mission, aims, objectives, activities, geographical scope, target group…etc) the Development- empowerment of African Diaspora Youth and/or the MDGs

Ku-xigeenka xoghaya OYSU ee qaaradada Europe Mudane Mohamed amin ayaa dhalinyaradii iyo ururadii kala duwanaa ee shirka ka soo qayb galay maanta gudoonsiiyay war saxaafadeed ama bayaan ay OYSU ugu talagashay shirweynaha dhalinyarada ( Millennimums Development Goals ).

Mudane amin ayaa ka soo qayb galayaashii shirka iyo madaxdii ka socotay kula dardaarmay in marka hore la helo in dhalinyarada aduunka gacanta is qabsadaan kana wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa xidhidhka guud iyo midka gaarka u ah Ururwalba

Ururada dhalinyarada ee ka soo jeeda dalalka ay dagaaladu aafeyeen iyo musuq maasuqa ee kala ah , Falastin, Kashmir, Colombia, Iraq, South Sudan , Ogadenia, Filibin, Afganistan , ayaa dhamaantood soo jeediyay in awood dhaqaale lugu taageero iyo barnaamijyo lugu hormarinayo dhalinyarada iyo ardayda ku soo qaxay dalalka reer galbeedka ay maganta u yihin taasoo ay sheegeen in ( MGD) sidii lo baahnaa looga faa,idaysanin.

Ka soo qayb galayaashii shirka ee dhalinyarada aduunka ayaa ku guulaysan waayay maanta inay go,aan midaysan ka soo saaraan ( Millennium Development Goals ) taasoo qaar badan oo ka mid ah aaminsanyihin in loo baahan yahay nidaam cusub oo lugu xoojinayo ( New Mechanism of Empowering Global Youth ).

Ku xigeenka xoghaya OYSU ee qaarada Europe Mudane Mohamed amin ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay masuuliyinta Ururada dhalinyarada aduunka isla mar ahaantaana war bixino kala duwan ka siiyay xaalada dhalinyarada iyo Ardayda somalida Ogadenia .

Xafiiska saxaafada OYSU

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay