Ra’iisul Wasaare Cabdirashiid Sharmarke ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii Ganacsiga & Warshadaha ee xukuumaddiisa. Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa lagu beddelay Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed oo xilkaasi la wareegi doona.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Sharmarke ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii Koronta & Biyaha Mudane Maxamed Xasan Aadan Shaahiyow ee xukuumaddiisa isagoo xilkaasi u magacaabay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xilkaasi la wareegi doona.

Isku shaandheynta uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Sharmarke ayaa ku kooban labadaasi wasiir oo keliya tan iyo wakhtigan xaadirka ah. Makala cada ineey isbadallo kale ay jiri doonaan iyo inkale.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay