Wararka naga soogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa sheegaya in tacadiyo baahsan loogaystay shacabka aan waxba galabsanin ee soomaalida ogadenia,
warkan oon kahellay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ee xarunta dhexe ayaa faah faahin kabixinaya tacadiyo Dil, oo gumaysigu ka fuliyay meelo kamid ah gobolka Jarar.

Taariikhdu markay ahayd 15/11/15 deegaanka Milmil oo Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan waxay ciidanka cadawga ee loo carbiyay gumaadka shacabka S.ogadenia waxay si waxshinimo ah ugu dileen Allaha unaxariistee marxuum C/madoobe maxamad maxamuud.

Dhinaca kale 18/11/15 meesha la yidhaahdo Faarwayne oo isla dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan waxay ciidanka gumaysigu sidii caadada u ahaydba kudileen Allaha unaxariistee Marxuum lagu magacaabi jiray Maxamad Sheekh cabdi oo ahaa nin oday ah.

 

ONA/Ogadenya

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay