Sida aad wararkaanagii hore kula socoteenba waxaa maalmahan waday xaflado malaayiin lacag ah ay ku bexeen oo lagu maamuusayo sanad guuradii 35aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Xisbiga Amhara National Democratic Movement (ANMD) oo kamid ah Isbihaysiga Magac u yaalka ah ee EPRDF.

Waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia ka dhacay fashilkii ugu waynaa abid ee soo mara xisbiga ANDM oo shalay xaflad ay soo qaban qaabiyeen oo lagu maamusayay sanad guurada xisbiga ANDM ay la wareegeen mucaaridka Itoobiya oo fashiliyay xafladii & u jeedadii laga lahaa.

Warkan ay ONA heshay ayaa intaas ku daraya in Safiir ku sheega Gumaysiga Itoobiya ee dalka Australia u jooga oo lagu marti qaaday inuu khudbad ka jeediyo munaasabadan ay taageerayaasha ANDM soo qaban qaabiyeen ayaa faro caaradood kaga baxsaday madashii xafladu kasocotay kadib markay hoolkii soo buux dhaafiyeen shacab aad u cadhaysan oo kasoo hor jeeda siyaasada gurracan ee Gumaysigu ku hayo shucuubtan ku hoos dulman.

Shacabkii hoolka la wareegay oo gabi ahaanba kala cagaajiyay taageerayaashii ANDM oo midba meel cidla ah lafihiisa ula baxsaday ayaa lasoo baxay boodhadh ay ku qoraayeen hal ku dhagyo ay kamid yihiin * Yeeli Mayno Cadaadiska & Cabudhinta shacabkaanaga lagu hayo*  sidoo kale * ANDM ma matalo Axmaaro, waa calooshood u shaqaysteyaal, Wayaanuhu ha dhaco*  waxaa kaloo kamid ahaa * Diidnay hantida shacabka ee lagu takri falayo iyadoo 15 milyan oo Itoobiyaan ah ay abaaro u halaagsamayaan*. 

Dhacdooyinkan oo kale ayaa waxay kamid yihiin cashirada ay shucuubta Gumaysiga Itoobiya ku hoos dulman ay ka dhaxleen hal abuurka toolmoon ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ay u horseeday mucaaridka Itoobiya. JWXO ayaa baal dahabi ah ka gashay abaabulka & hanuuninta shacabka taasoo ilays lagu daydo u noqotay gabi ahaanba mucaarid Itoobiya.

ONA/Melbourne

Melboune

Mel3

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay