Maalin nimadii shalay oo Isniin ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 23/11/2015 waxaa xerada qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab laga xusay maalinta Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida Ogadenia.

Xafladan oo ahayd mid aad u balaadhnayd waxaa soo qabanqaabiyay ururka OYSU fariciisa Ifo waxaana kasoo qaybgalay bulsho aad u badan oo kakala socotay qaybaha kala duwan ee faraca Muftaaxulxoriyo iyo wufuud kasocotay Dhagaxlay iyo Xagardheere.

Xafladan oo ahayd mid mudo lasoo qorshaynayay waxaa lagu soo bandhigay agabkii iyo ciyaarihii dhaqanka u ahaa umada S.ogadenia waxaana kamid ahaa waxay soo bandhigeen wixii lacuni jiray sida caanihii, masagadii oo noocyo kala duwan ah iyo midhihii.

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay qalabkii loo adeegsan jiray waxa lacuno sida dhiilka. Dhiisha, dhariga, masafta iyo qaar kale. Waxaa iyana lasoo bandhigay wixii guryaha laga samaysan jiray iyo wixii gogol ahaan loo isticmaali jiray
waxaana soobandhigayay dhalinyaro kulabisan dharkii hidaha iyo dhaqanka ee S.ogadenia.

Dhinaca kale Abwaan Gurmar Qaran ooy dhinac socdaan dhalin uu carbiyay ayaa majaajilo iyo ciyaaro kala duwan madasha kusoo bandhigay waxaana kamid ahaa shax da oo ah ciyaar ay aad u ciyaaraan raga kudhaqan guud ahaan gayiga ogadenia iyo ciyaaro kale.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa si habsami ah u soo gabagaboobay xafladii waxayna dad waynuhu aad ooga maqsuudeen wixii meesha lagu soobandhigay.

ONA Dhadhaab.

IMG-20151123-WA0017

IMG-20151123-WA0016

IMG-20151123-WA0015

IMG-20151123-WA0036

IMG-20151123-WA0013

IMG-20151123-WA0006

 

IMG-20151123-WA0018

IMG-20151123-WA0004

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay