Geneva: Waxaa maanta  si rasmi ah  uga furmaya caasimadda Swizerland ee Geneva  shir lagaga hadlayo  xuquuqul Insaanka  dadyowga lagada tirda badanyahay ama la gumaysto oo sanadkan xiiso gooniya leh madaama  diirada la saari doono arimaha xuquuqul insaanka Ogadenya ee aadka u cakiran,waxayna kamid tahay qodobadda ugu waaweyn ee horyaala golaha xuquuqul insaanka QM(UN) labada maamlmood ee fooda inagu soo haysa.

 

Kulanka manta  ayaa la dhawrayaa inay soo xaadiraan dhamaan wadamadda ka tirsan qaramada midoobay oo gaadhaya 193 dal, wakiiladda hay’adaha qaramadda midoobay, ururadda xuquuqul insaanka dunida iyo dhamaan ururada bulshadda.

Sidoo kale, shirka  waxaa Ogadeniya uga qayb galay   wufuud dhawr ah oo ka kala socday  ARM,OYSU,OWA & Ogaden people’s right, islamarkaasna ka kale yimid wadamo dhawr ah oo katirsan qaaradda Yurub..

Kulankan oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa la dhawrayaa in banaanka la soo dhigi doono xad-gudubyadda ay taliska TPLF/EPRD ka geysanayaan dalka Ogadenia.

 

Sidoo kale, gabood falada ay wakiillada Itoobiya u geystaan shacbiga Ogadenia ayaa ahaan doonta soo bandhigistooda kuwo leh xiiso gooni ah

Kiiskan ayaa daba socda  dacwad horay loogu soo ogay maxkamada caalami ah ragga gumeysiga Itoobiya wakiilka uga ah xasuuqa Ogadenia..

Waxaana akhristayaasha sharafte leh loo sheegayaa inaysan ka fogaanin bogggan maalmaha soo socda, oo wariyayaasha u jooga shirka ONA ay isku dayi doonaan inay toos idiin ku soo tabiyaan xaalada shirka si aan kala go’ lahayn.

ONA/ Geneve.

GenGene2Genev3G4G5MahdiG5LayLay1LaylaLayla3Layla4

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay