Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ergay cusub u soo magacaabay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, kaasoo bedelaya ergaygii hore Nicholas Kay.

Ergayga cusub oo lagu magacaabo Michael Keating ayaa u dhashay dalka Ingiriiska wuxuuna qabanayaa xilka wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa xafiiska UNSOM. Wakiilkii hore Nicholas Kay ayaa dhamaadka sanadka ay ugu egtahay xilka uu hayay.

Xoghayaha guud  ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyay Nicholas Kay dadaalkii uu sameeyay ee ku saleysnaa geesinimada iyo hogaanka fiican, ee  labadii sano ee uu xilka hayay  oo ahayd waqti adag oo isbadal siyaasadeed uu ka socday Soomaaliya.

Ergay cusub ee loosoo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inuu waayo araganimo u leeyahay nabadaynta iyo arrimaha siyaasada, wuxuuna ka soo shaqeeyay  dalalka Bariga dhexe, Afrika iyo dalka Afghanistaan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay