Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Isniintii saxiixay go’aan uu Maraykanka xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka ah uu ku saaray Mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabtay iyo kuwa kaloo hada xil ka haya Xukuumada Burundi.

Xayiraadan ayaa la sheegay in lasaaray shaqsiyaad iyo siyaasiyiin horay xil uga soo qabtay iyo waliba kuwa hada xilka haya ee kaqeyb qaatay xiisada wadanka Burundi ooy boqolaal ku dhinteen tan iyo horaantii sanadkan.

Mas’uuliyiinta Xayiraada lagu soo rogay waxaa kamid ah Mr. Alain Guillaume Bunyoni, Wasiirka Amniga, Godefroid Bizimana, Taliye kuxigeenka Booliiska Qaranka; Godefroid Niyombare, Taliyihii hore ee Sirdoonka ahna Jeneraal; iyo Cyrille Ndayirukiye, Wasiirkii hore ee Difaaca.

Go’aanka Maraykanka ayaa kusoo beegmaya xili lagu wado in bisha danbe ee December uu Qaramada Midoobay go’aan ka qaato xaalada dalka Burundi.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay