Wararka naga soogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in tacadiyo baahsan loogaystay shacabka aan waxba galabsanin ee soomaalida ogadenia. Warkan oon kahelay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ee xarunta dhexe ayaa faah faahin kabixinaya tacadiyo Dil, Dhac iyo xidhay isugu jira oo ka dhacay Qoraxay & Doolo.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 15/11/15 deegaanka Caado oo Dagmada Danood ee Gobolka Doollo katirsan ay
ciidanka wayaanuhu xidhay iyo dhac isugu dareen dadka kala ah:-
1 maxamuud ow saalax oo ay 1 qori kadhaceen
2 cabdi aadan oo 1 qori ay kadhaceen
3 cali cabdi ow saalax oo 10000 oo bir laga dhacay.

Sidoo kale 16/11/15 Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo waxay ciidanka gumaysigu xidhay iyo dhac isugu dareen dadka kala ah:-
1 macalim ibraahim oo 50 neef oo adhi ah laga dhacay
2 khadar macalim ibraahim.

Dhinaca kale warkan ayaa intaas ku daraya in 18/11/15 Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay ineey ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah:-
1 deeq maxamad timoxume
2 kamas faarax nuur
3 maxamad buraale.

Maalinimadii Sabtida ahayd ooy taariikhduna ku beegnayd 20/11/15 Banka Qoraxay oo Qabridahare katirsan waxay ciidanka dhaqanka xun ee gumaysigu ku dhaceen ninka lagu magacaabo Bashiir Cabdi Biile.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay