Jaaliyad Ogaadeeniya ee dalka Koonfur Afrika ayaa shir kuqabatay xaafiiska xarunta Jaaliyada ee magaalada Pretoria

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha Jaaliyada ee ka hawl gala magaaldaas ayaa ahaa mid ahmiyad u leh Jaaliyada iyo guud ahaanba halganka Ogaadeeniya

2

Gudoomiyaha Jaaliyada mudane Maxamed Daahir ayaa shirka kasoojeediyay warbixin kusaabsan halgka iyo hab usocodka Jaaliyada

dhanka kale waxaa la siwaydaarsaday afkaar iyo aaraa sidii loo hortamin lahaa Jaaliyada Ogaadeeniya ee ka hawl gasha wadankan

sidoo kale waxaa loo diyaar garoobay Shirwaynihii Jaaliyada ee sanadlaha ahaa oo ku aadan bilawga sanadka cusub bishiisa koobaad

3

ugu danbaytii shirku wuxuu soosaaray baaq ku aadan beelaha Soomaaliyeed ee xurguftu ku dhexmartay wadanka Koonfu Afrika

1

BAAQ KUSOCDA SOOMAALIDA K/AFRIKA

1- ugu horayntii Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka K/Afrika waxay bogaadinaysaa walaala Soomaaliyeed ee u istaagay xalinta walaala khilaafku soo dhexgalay

2- Jaaliyadu waxay ugu baaqaysaa labada dhinac ee walalaha ah in ay u hogaansamaan wanaaga iyo nabada isla markaana ay muujiyaan dabacsanaan iyo walaaltinimo

3- Jaaliyadu waxay ugu baaqaysaa cid kasta oo kadanbaysay dhibaatadii sababtay isku dhaca beelaha walaalaha ah in ay alle kaga cabsadaan fidnada ay abuureen isla markaan ay bad baadiyaan dhiiga walaalahooda kale

4- Jaaliyadu waxay faraysaa wax garadka dhamaantii in la sameeyo baadhitan dhab ah kaas oo si wada jir ah loo baadhayo si lo ogaado dhibaada xalkeeda

ugu danbayntii ruux kasta oo Soomaaliyeed waxaa faran xalinta iyo dajinta xiisadii dhawaan ka dhacday magaalada JHB

alle ka cabsigu waa furaha guusha

 

Midnimo  Mintid isku tashi Allaahu Akbar Allaahu Akbar

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay