Madaxwaynaha Turkiga Rajab Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu difaacayay oo kaliya ammaankiisa markii diyaarad dagaal oo Turki ah ay soo ridday diyaarad dagaal oo Ruushku uu leeyahay, islamarkaana uusan doonaynin ineey talaabadani ka dhex abuurto xiisad colaadeed Turkiga iyo Ruushka.

Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Istanbul, ayaa Erdogan wuxuu sheegay in diyaaradda ay ku dhacday gudaha dalka Suuriya, hase yeeshee ay kujirtay hawada Turkiga, markii gantaalka uu ku dhacay talaadadii.

Saraakiil kaloo Turkish ah, ayaa sheegay in diyaaradda illaa laba KM ku jirtay xuduudda Turkiga muddo 17 ilbiriqsi ah, islamarkaana la siiyey 10 digniin, markii ay iska indho-tirtayna lasoo riday xaqna ay u lahaayeen ineey hawadooda difaacaan ciidanka cirka ee Turkiga.

Ruushka wuxuu ku adkaysatay in diyaaradda aysan marnaba ka bixin xuduudda Suuriya oo daan daansi iyo xaalad colaadeed ineey Turkigu abuuro uu doonayo taasoon la aqbali karin.

Sargaal Maraykan ah oo magaciisa qariyay ayaa wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Maraykanka uu rumeysan yahay in diyaaradda ay kusoo laabatay hawada Turkiga, ka hor inta aan gantaalka lagu dhufan, halka diblomaasiyiin lahadlay wargayska New York Times ay sheegeen inay hawada Suuriya kusoo laabatay diyaaradu markii gantaalka lagu dhuftay ee lasoo riday.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay