Ruushka ayaa sheegay in cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah oo kala duwan ay kusoo rogayaan dalka Turkiga, sababtana ay tahay diyaaradii dagaalka ee Ruushku lahaa ay soo riday.

Ra’iisul wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev, ayaa kadigay in ganacsiga, gaadiidka, iyo dalxiiska ay saamayn soo gaadhi doonto talaabadaas ay qaaday Turkigu awgeed. Waxayna sheegeen ineey joojinayaan mashaarciida maalgashiga ay dalkaasi lagaleen.

Madaxa dalxiiska ayaa sheegay inuu jiri doono muddo aan lacayimin oo la mamnuucayo dalxiisayaasha Ruushka ineey tagaan Turkiga, haddii ay arrintaasi dhacdana waxay lamicna tahay in 10-billion oo doollar oo dalka Turkiga ka soo gasha canshuuraha ay qaadaan ay 4-million oo ka mid ah ka heli jireen dalxiiska.

Xidhiidhka labada wadan ayaa cirka isku shareeray intii diyaarada dagaalka ee ruushku lahaa ay soo rideen ciidanka cirka ee dalka Turkiga.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay