Waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa xarumaha kala duwan ee Qaramada Midoobay (United Nation) magaalada Geneva ee wadanka Switzerland wufuud  ka socotay qeeybaha kala duwan ee shacabka Somalida Ogaadeenya.

Wufuudan ayaa socdaalkoodu salka ku hayay casuumado kala duwan ooy ka heleen inta badan hay’adaha ugu muhiimsan Qaramad Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Geneva.

Waftiga Somalida Ogadenya iyo hay’adaha caalamiga ah ayuu kulankoodu daba socday dadaalo badan oo isa soo taraya ujeedadooduna tahay samata bixinta shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee wajahaya Gumaysiga Itoobiya. Kulamadan oo socday afartii maalmood ee ugu danbeeyay oo hadba xarun ka dhacayay ayaa ku soo idlaaday ka qeeybgalka shirka UNta ee loogu tala galay in lagu eego fursadana lagu siiyo umadaha dulman ee gumaysigu lahadhay sida Ogadenya.

Wufuudan ayaa maamuus khaas ah madasha kahelay iyagoo loo ogolaaday waqti gaar ah oo ka badan inta loo ogal yahay ururrada kale ee dulman.  Waxaa xusud mudan in heeyadaha UNta kuwooda ugu muhiimsan si kal iyo laab ah ula kulmeen qaybaha kala duwan ee Ogaadeenya iyagoo raadinaya ineey helaan xogta dhabta ah ee deegaanka Ogaadeenya ku sugan yahay isla markaana kala tashanaya talaabooyinka bulshadani u aragto ineey lama huraan tahay in la qaado.

Waxaa jira dadaal siyaasadeed ooy hay’adaha kala duwan ee Ogaadeenya  ee dibada ka howlgala wadeen sanadihii ugu danbeeyay. Kuwaasoo intooda badan ka dhacayay EU, UN, UK iyo wadamado kaloo Yurub ah. Dadaaladan ayaa midho dhalay iyadoo ay jiraan arrimo muhiim ah oo u hirgalay Shacabka Ogaadenya iyo xayiraad dhaqaale iyo go’doon siyaasadeed oo ku habsaday Gumaysiga Itoobiya.

Fagaarayaashan caalamiga ah ee lagu hardamayo ayuu Gumaysiga Itoobiya garwaaqsaday inuu ku guuldaraystay isagoo isticmaalaya dhamaan wixii xoog iyo xeelad ah ee uu heli karay Gumaysigu.

 

ONA

20151124_145028

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay