Wararka naga soogaadhaya wadanka  Ogadenia ayaa sheegaya dagaalo culus oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa jiha wareersan ee Gumaysiga Itoobiya ku dhex maray meelo kala duwan oo wadanka Ogadenia
ah, dagaaladan oon faah faahintooda kahellay xarunta dhexe ee JWXO ayaa u dhacay sidan.

Maalinimadii Axada ahayd ooy taariikhduna ku beegnayd 22/11/15 meesha lagu magacaabo Qarsooni oo Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal fool kafool ah oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) iyo kuwa gumaysiga Itoobiya  ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale Isniintii taariikhduna ahayd 23/11/15 deegaanka Ijalabi oo Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal aad u culus oo  kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 15 askari 20 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhinaca kale waxaa markay taariikhdu ahayd 24/11/15 Duleedka Dagmada Baabili ee Gobolka Faafan kamiin ay CWXO kaxidheen ayeey ku gubeen hal baabuur oo nooca ay ciidanka wayaanuhu adeegsadaan ah waxaana baabuurkaas ku basbeelay dhamaan wixii saaraa oo idil.

ONA/ Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay