Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa cambeeray afduubkii dhowaan loo gaystay dooni kalluumaysi oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu kasoo saaray falkaas afduubka ah ayuu yidhi Danjire Nicholas Kay “Waxaan cambaaraynayaa budhcadnimada hubaysan,”. Isagoo hadalkiisa siiwatana wuxuu intaas kudaray  “Xilli Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka, laguna gudajiro dadaallada horumarinta dhaqaalaha, waxaan walaac ka muujinayaa dib usoo cusboonaanshaha falalka budhcad badeedda.”

Dooni kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Pakistan, balse uu ka babanayay calanka dalka Iran, ayna saarnaayeen 15 badmaaxiin ah ayaa lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, waxayna budhcaddii afduubtay la aadeen dhinaca deegaanka Ceelhuur.

Waa weerarkii sadexaad ee dhacay bishan gudaheeda, balse Nicholas Kay wuxuu sheegay ineey jiraan weerarro kale oo badan kuwaasoo fashilmay dhamaantood.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay