Madaxwayne François Hollande ee dalka Faransiiska ayaa Khamiistii shalay booqasho ku tagay magaalada Moscow ee caasimada wadanka Ruushka. Hollande oo la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa safarkiisa uu kusaabsan yahay sidii loo dhisi lahaa isbahaysi militari oo la dagaalama kooxda Daacish (ISIS) ee kadagaalanta wadamada Ciraaq & Suuriya.

“…Maadaama Daacish ay gacanta ku hayso dhul balaadhan iyo waliba ciidan u gaar ah, waa lama huraan in la helo isbahaysi balaadhan oo caalami ah oo kooxdaasi la dagaalama…iyo waliba in xal siyaasadeed loo helo dagaalka Suuriya…” ayuu yidhi Hollande xili uu la kulmayay Madaxwaynaha wadanka Ruushka.

Hogaamiyaha Faransiiska ayaa sidoo kale ugu baaqay in la xaliyo xiisada hada ka dhex taagan dalalka Turkiga iyo Ruushka kadib diyaaradii Ruushka laga soo riday talaadadii lasoo dhaafay.

Vladimir Putin ayaa dhankiisa markale si cadho leh uga hadlay diyaaradii uu Turkiga kasoo riday, wuxuuna sheegay inay sii xoojin doonaan duqaynta ay ku wadaan kooxaha ka dagaalama dalka Suuriya.

Putin ayaa sheegay inuu ogolyahay samaynta isbahaysiga la dagaalama Daacish isagoo sheegay in loo baahan yahay in xooga la saaro duqaynta xarumaha shidaalka ee kujira gacanta kooxdaasi.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay