Maamulka ka arimiya magaalada Hargaysa ee waqooyiga Soomaaliya ayaa  26kii bishan Nov. 2015 ku xidhxidhay magaalada Hargaysa 11 muwaadiniin ree Ogadenya ah,oo 8 kamid ahi yihiin Dumar.

Maxaabiistaas sida dulmiga ah loogu xidhxidhay magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka ah ilmo yar oo naas nuug oo hooyadii lala xidhay. Dadkaa sabab cad oo loo xidhay iyo wax dambi ah oo ay ka galeen maamulkaas dulmiga ah ma jiro oo aan ka ahayn inay u muujiyaan Itoobiya inay daacad u yihiin amarkeedana u hogaansamayaan.

Ma aha markii ugu horeysay ee maamulkaas Waqooyiga Soomaaliya ay dad shacab ah ka qabqabtaan goboladaas W/Galbeed Soomaaliya kadibna u gacan galiyaan cadowga umada Soomaaliyeed ee ay dhibanayaashaasi uga soo carareen dalkoodii hooyo,mMaxaabiistani waxay khatar ugu jiraan in Itoobiya loo gacan geliyo,waxaana 11 kaas qof ee 26 kii bishan la qabtay ka horeeyey 4 kale oo aan la ogayn meel la geeyey balse loo badinayo in loo gacan galiyey gumaysiga Itoobiya,halkaas oo ay dil iyo ciqaab kula kulmayaan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay