Garyaqaan sare oo taageersan Kurdiyiinta ayaa la toogtay, waxaana lagu dilay dhinaca Koonfur bari dalka Turkiga, intii uu socday dagaal dhexmaray ciidanka booliska iyo dabley aan haybtooda la garanaynin.

Dad goobjooga yaal ah ayaa sheegaya in garyaqaan Dahir Elji, uu hadal jeedinayey markii la tooganayay, waxa uuna ku baaqayay nabad dhexmarta ciidanka ammaanka ee Turkiga iyo Kurdiyiinta gooni-u-goosadka ah. Rasaas ayaa bilaabatay, kadibna waxa ay madaxa uga dhacday Dahir Elji. Nin boolis ah ayaa isana la dilay.

Garyqaankan caanka ahaa ayaa horey loo xidhay, waxaana jirtay in dil loogu hanjabay , kadib markii uu sheegay in jabhadda gooni u goosadka ee PKK aan loogu yeedhin ineey yihiin urur argagixiso ah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay