Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 28 November 2015 Magaalada Birmingham shir abaabul iskugu yimid Ururada Haweenka Somalida Ogadenia ee ku dhaqan Wadanka Ingriiska, gaar ahaan Magaalooyinka London, Manchester iyo Birmingham.

Shirkan ayaa waxaa kaloo garab socday Seminaar heer sare ah oo ujeedadiisu ahayd sidii abaabul xoogan oo dhinac walba ah loogu samayn lahaa Haweenka Somalida Ogadenia ee ku dhaqan wadankan Ingriiska.

Wada Shaqaynta iyo Midnimada ka dhaxaysa Haweenka Ogadenya in la xoojiyo korna looqaado iskaashigooda ayaa aad ahmiyad gaar ah loosiiyay. Shirkan waxaa iyaguna kasoo qaybgalay masuuliin kamid ah Culumada Halganka Ogadenya, Golaha Dhexe Ee Jabhadaha Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Iyo Masuuliyiin Ka socota Jaaliyadaha Somalida Ogadenia Ee Wadanka Ingriiska.

Shirkan oo ahaa mid abaabul ayaa laga gaadhay ujeedadii loosoo agaasimay. Dhamaan qaybihii kala duwanaa ee kasoo qaybgalay waxay isku raaceen hoostana kawada xariiqeen in laxoojiyo iskaashiga & wada shaqaynta ka dhaxaysa Jaaliyaadka Somalida Ogadenya ee kudhaqan wadanka Ingiriiska.

 

ONA/Birmingham

Bar 8

Bar 5

Bar4

Bar2

Bar 3

Bar 6

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay