Waxaa shalay ooy taariikhdu ahayd 27/11/15 isugu yimid shirkoodii todobaadlaha ahaa Jaaliyada Somalida Ogadenya ee ku dhaqan magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sucuudi Crabiya.

Shirkan ayaa lagu furay aayado quraan ah iyo wacdi diini ah oo uu soojeediyey Sh ekh Xasan Nuur oo aad uga hadlay sida uu fardulcaynka uyahay jihaadka ay hormuudka katahay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) qofkastoo Somalida Ogadeenya kamid ahna laga rabo udiyaargaraw iyo u hirid naf iyo maalba.

Waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyada Riyaad Mudane Gaaxnuug oo isna kahadkay in ay tahay wakhtigii kalaguurka itoobiyana ay baaba’day loona baahanyahay in loodiyaargaroobo midnimada Somalida Ogadeenya.

Dhinaca kale waxaa warbixin meelo badan taabanaysa lawadaagay xubnihii kasoo qaybgalay shirka Wakiilka Bariga Dhexe ee JWXO Shekh Cabdulahi  Ciraaqi oo sheegay in ay tahay dhalinyartu lafdhabarta bulshada ee keeni karta isbadal lataabankaro loona baahanyahay midnimada bulshada qaybaheeda kala duwan lana helo rumaynyta dhabta ah iyo xamaasad katimaada dhalinyarada meelkastooy joogan S.Ogaadeenya iyo Soomali oo dhan.

Hogaanka Abaabulka Jaaliyada Mudane Maxamed Aadan iyo hogaanka warfaafinta ee Jaaliyada Riyaad Mudane Cube Haybe iyo afkaarihii bulshada oo aad umuujiyey dareenkooda dhabta ah iyo wadiniyada sidii ay uga go’antahay u hurida naf iyo maalba.

Wuxuu shirku kusoo dhamaaday wacdi diini ah iyo duco ay culimadu lawadaageen shacabkii  kasoo qaybgalay kulanka.

 

ONA/ Riyaad

20151127_150515

20151127_150425

20151127_150321

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay