Wararka naga soogaadhaya Wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo aad ubadan ooy ciidanka wayaanuhu u gaysteen dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogadenia, warkan oon xogtiisa iyo xaqiiqadiisaba kahelay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO).

Waxaa markay taariikhdu ahayd 17/11/2015 deegaanka Qarjajabo oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan lagu xidhay labo muwaadin oo kala ah:  Cabdulaahi Faare Aadan iyo Lacag Macalim Maxamad.

Waxaa 20/11/15 deegaanka Abaaqorow oo Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan ay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah: Sagal Cali Madoobe, Maxamad Sagal Cali iyo Fardowsa Macalim Sonkor.

Maalinimadii Axada ahayd ooy taariikhduna ahayd 22/11/2015 Ceelwayne oo Gobolka Shabeelle katirsan waxay ciidanka cadawgu xabsi iyo jidhdil isugu dareen dad shacab ah oo 100 kor u dhaafaya ooy kasoo uruuriyeen dagmada iyo deegaanada ku xeeran waxay ciidanka wayaanuhu dadkan ku amreen ineey noqdaan ciidan si qasab ah balse waxaa amarkaas dhagaha ka furaystay dadkii shacabka ahaa waxaana goobta ka baxsaday 10 dhalinyaro ah intii kalana waxaa lagula kacay xabsi iyo dhidh-dil dadkaa waxaan magacyadooda kahellay, kuwan soo socda:-
1 cabdirisaaq cali caafi
2 maxamad yuusuf dhiidi
3 maxamad cali cabdiwahaab
4 deeq yuusuf dhiidi
5 xassan cabdi wahaab
6 xayi cumar siraad.

Isniintii ooy taariikhdu ahayd 23/11/15 meesha lagu magacaabo Caleen oo dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka gumaysigu xadhig iyo dhac isugu dareen dadka kala ah:
1 bashiir gaydh
2 cilmi galjeex gaydh
3 ina fargaafe oo magaciisa oo buuxa aanaan helin
4 cumar jigre axmad gaydh
5 bishaaro gaydh
6 cilmi gaydh
7 madar gaydh
8 xabiiba gaydh
waxaa laxareeyay dhamaan waxay hanti lahaayeen.

Isla Isniintii ooy taariikhdu ku beegnayd 23/11/15 Yucub oo Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen muwaadin lagu magacaabo Maxamad Sh ciise.

Dhinaca kale Talaadadii ooy taariikhduna ahayd 24/11/2015 Garigo’an oo dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan waxay ciidanka wayaanuhu ku xidheen labo muwaadin oo lagu kala magacaabo Axmad Cabdi Bardiid iyo Fatxi Cabdulaahi Dheeg.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay