Wararka ka imanaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya ineey si xowli ah kusocoto goosashadii iyo kala cararkii ciidanka Hawaarinta, warkan oo uu nasoo gaadhsiiyay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ayaa u qoraa sidan.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 19/11/2015 deegaanka Saliida oo Dagmada Fiif ee xarunta Gobolka Nogob katirsan ayaa ciidanka Hawaarinta ka Goostay 4 askari oo hubkoodii wata. Sidoo kale 16/11/2015 Sanxaskule oo Dagmada Fiiq katirsan waxaa kasoogstay 2 askari oo Hawaarin ah.

Isla taariikhdan 16/11/2015 Galaalshe oo Gobolka Nogob katirsan waxaa kagoostay 6 askari oo Hawaarin ah.

Dhinaca kale waxaa 21/11/2015 Birqod oo Jarar katirsan waxaa kagoostay 8 Hawaarin ah oo uu kujiro nin kamid ah horjoogayaasha Hawaarinta oo lagu magacaabo Shaambal Kalajeex. Waxayna ninkan iyo kooxdiisu gaadheen magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee wadanka Somalia.

 

ONA/ Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay