Wararka naga soo gaadhaya guud ahaan gayiga Ogadenia gaar ahaan Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya sara ukac xoog badan ooy ciidanka wayaanuhu sare uqaadeen tacadiyadii caadada u ahaa eey kula kici jireen shacabka biri ma gaydada ah ee Soomaalida Ogadenia waxayna fafal kala duwan ugaysteen dad shacab ah oo ku dhaqan Gobolka Qoraxay.

Maalinimadii Arbacada ahayd ooy taariikhduna ku beegnayd 25/11/2015 deegaanka Fooljeex oo Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka gumaadka shacabka loo carbiyay ee Itoobiya ku dileen Allaha u naxariistee marxuum Cabdi Dubad Doolaal.

Isla taariikhdaas kor ku xusan 25/11/2015 meesha lagu magacaabo Laasdharkaynle oo Dagmada Qabridahare katirsan waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah:-
1 cabdi saxane cabdi saalax
2 barre maxamad xirsi
3 ina saxane cabdi saalax
4 hire maxamad salal.

Khamiistii ooy taariikhdu ahayd 26/11/2015 Dagmada Qabridahare waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen labo shekh oo lagu kala magacaabi jiray: Sheekh Mustafe Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Axmad . Labadan sheekh waxaa lagu amray ineey dad shacab ah ku xukumaan qofkasta 7 sano wayna diideen waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga.

Dhinaca kale 26/11/2015 deegaanka Kabtinaag oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay
katirsan waxay ciidanka cadawgu ku xidheen Axmad Qootaali iyo wiil uu dhalay oo wali magiciisa aanaan helin.

Sidoo kale markay taariikhdu ahayd 23/11/15 Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah: 
1 lade maxamad maxamuud faatule
2 sheekh cabdifataax sheekh maxamad oo 100 sano jir ah
3 cabdi xayi xareed
4 cabdulaahi cabdi maadhiin (qoorleex)
5 cabdiyare cabdulaahi haybe
6 axmad rayid
7 koodh sh xassan
8 xaliimo sheekh xassan
9 culuun maxamad xassan
10 kayd maxamad cabdi wayrax.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay