Ururka haweenka Ogadenya (UHO) faraciisa wadanka Sweden ayaa shir abaabul oo ay qabteen ku marti qaaday haween badan oo ka socday Jmahuuriyada Soomaaliya oo qadiyada Ogadenya diyaar ula ah inay la garab istaagaan hiil iyo hooba.

Shirkan  ayaa waxaa marti sharaf ku ahaa Xildhibaan Rayaale Xaamud Axmed oo kasoo qayb galayaashii shirka u qeexay doorka ay gabadha Soomaaliyeed ku leedahay hagida iyo hawadinta halganka iyo danaha umada Soomaaliyeed,Mudane rayaale ayaa cadeeyey in waxa loo halgamayaa tahay qadiyad iyo sidii loo xorayn lahaa dhulkaas Soomaaliyeed ee Itoobiya qasabka ku haysato.

Sidoo kale waxaa shirka si adag uga hadashay Marwo Ruqiya Sagag oo kamid ah baroomada Ogadenya,waxayna Ruqiya Sagag u balbalaadhisay kasoo qayb galayaashii shirka siiba kuwii ka socday jamhuuriyada Soomaaliya in gabdhaha ree Ogadenya ay hiil iyo hooba ka sugayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Fowsiya Maxamed

ONA/Sweden

                             HALKAN KA DAAWO

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay