Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegnayd 30/11/15 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ka dhacay shirkii billaha ahaa ee faraca Midnimo. Shirkan oo ahaa mid sifiican loosoo agaasimay waxaa kasoo qayb galay inta badan xubnaha Faraca Midnimo iyo qaar kamid ah taageerayaasha halganka.

Ugu horaynba shirka ayaa furmay 2:00 duhurnimo xiliga Dhadhaab waxaana sidii caadada ahaydba lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay sheekh cabdiraxmaan oo ah
kuxigeenka Hogaanka arimaha diinta. Intaas kadib waxaa horay loogalay qodobadii shirka in lagaga hadlo
loogu tala galay waxaana lugu soodhaweeyay Halgame Muuse Cismaan Mullay si uu bulshada ugu akhriyo wixii war dalkii ogadenia iyo dibadaba laga hayay.

Wuxuuna akhriyay qaar kamid ah dhacdooyinkii bishan kadhacay wadanka Ogadenia sida Dagaaladii ugu dambeeyay iyo tacadiyadii ay ciidanka cadawgu ugaysteen shacabka soomaalida Ogadenia. Sidoo kale waxaa kalmad qaali ah dhagaha bulshada ku shubay Hogaanka Dhaqaalaha ee Faraca Midnimo wuxuuna hogaanku ka warbixiyay xaalada Dhaqaalaha ee sadexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay Abwaanad Ardo Bootaan iyo Dalbila Maxamad oo kamid ah kooxda Hilaac waxayna dadka kudul akhriyeen qaar kamid ah sugaanta uu allaah kumanaystay waxayna jawiga kadhigeen sikale iyagoo kiciyay dareenka bulshada, dhinaca kale waxaa lagaadhay xiligii afkaarta xubnaha waxaana fikirkooda si dagan u dhiibtay rag iyo dumar badan oo talooyin muhiim ah siiyay bulshada iyo gudigaba.

ONA Dhadhaab.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay