Waxaa Isniintii magaalada Paris ee xarunta Faransiiska laga furay shirweynaha caalamiga ah ee looga hadlayo cimilada Aduunka iyo Dhibaatada Warshadaha u gaystaan deegaanka.

Shirwaynahan ayey kasoo qayb galayaan 140 hogaamiyaasha dalalka Warshadaha leh kamid ah iyo dalalka kalee saamayn wayn ku yeelatay cimilada isbedalaysa ee Aduunka.  Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa in Beesha Caalamka ay ku heshiiso shuruuc cusub oo lagu xakamaynayo wasakhda Warshadaha u gaystaan deegaanka ee saamaynta ku yeelatay cimilada aduunka.

Wadamada qaar ee aaminsan in heerka biyaha bada ee sare usii kaceysa ay burbur ku keeni doonto wadamadooda ayaa lagu wadaa in shirkan ay warbixino kusoo bandhigaan, sidoo kale wadamada horumaray ee Warshadahaleh kuwaasi oo gaysta dhibaatada ugu wayn ee deegaanka ayaa soo bandhigi doona qorshahooda ay ku xakameenayaan warshadahooda.

Marar badan oo horay la isgu dayay in heshiis laga gaadho arrimahan ayaa lagu guul darraystay kadib markii dalalka ugu warshadaha badan sida Maraykanka uu ka baxay heshiisyadii horay loogaadhay.

Khubarada dhanka cimilada iyo cilmi-baarayaasha caalamiga ah ayaa ku sheegay in shirka sanadkan uu yahay fursadii ugu danbaysay ee wax looga qaban karo dhibaatadan aduunka saamaysay oo halisteeda leh hadaan talaabada ku haboon laga qaadin.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay