Magaaladda Gaalkacayo waxaa ka socota waanwaan nabadeed oo heersare ah taasoo uu hor kacayo Raisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Xaaladda magaalada ayaa dagan iyadoo ay ku suganyihiin masuuliyiin kaloo qayb ka ah dadaalkaasi nabada oo uu kamid yahay Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamad Islaan (Axmad Madoobe).

Waxaa la filayaa ineey masuuliyiintaasi kusoo biiraan Madaxwayneyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug. Ciidammada labada maamul ayaa ku dagaalamay magaalada Gaalkacayo iyadoo ay khasaare ka dhasheen dagaalada labada dhinac u dhexeeya.

Farshaxanka soomaliyeed ee Amin Amir ayaa sawir uu dagaalka Galkacayo ka dhacay ku cabiryo ineey Itoobiya dabka isku shidayso kasameeyay. Sawirkan ayaa macno & murti badan laga dheehan karaa sida ay Itoobiya ugu lug leedahay xasilooni la’aanta kataagan wadanka Somaliya.

Gaalkacayo

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay