Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa ku baaqay in Turkiga iyo Ruushku ay hoos u dhigaan dareenka ka dhex taagan, todobaad kaddib markii ay Turkigu soo rideen diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay.

Kaddib markii uu Obama wadahadal kula yeeshay Paris, madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan, wuxuu mar kale u xaqiijiyay in Maraykanku ay taageerayaan xaqa ay Turkigu u leeyihiin in ay difaacdaan hawadooda sare. Balse wuxuu si adag u sheegay in Turkiga iyo Ruushkuba ay dabciyaan muranka ka dhextaagan.

Obama wuxuu sheegay ineey hal cadaw leeyihiin isagoo ula jeeda kooxda isku magacawday Daacish ama  (Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq & Shaam ama Suuriya). Wuxuu intaasi ku daray inuu doonayo in la xaqiijiyo in diiradda la saaro arrintaasi.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay