TVga Codka masar oo kuyaala Magaalada Qaahira, ayaa waxaa laga siidaayay Barnaamij xiiso leh oo kusaabsan Sirta kadanbaysa Biyo-Xidheenka Itoobiya kadhisayso Wabiga Niil.

Waxaa lagu martiqaaday barnaamijka laba khabiir oo kala ah: Jamaada Sauti, oo ah afhayeenka shacabka Oromo ee Dalka Masar. Wuxuuna sheegay ineey shucuubta Oromo, Ogaden, Sidamo, Gambeela iyo Banushanguul, dagaal kulajiraan Taliska tiradayar ee TPLF si ay uridaan ooy shucuubta dulman iyo Masarba uga nabadgalaan mu aamarada,taliskaas sii dhacaya.

Wuxuuna sheegay in isbahaysi cusub ay sameeyeen jabhadaha kukacsan nidaamkaas, wuxuu sii raaciyay in ay shucuubtaasi ubaahanyihii taageerada shacabka masar. Waxaa sidookale isna ka hadlaya, Ingineer Ibrahim Bayuumii, oo ah khabiir Masri ah.

Wuxuuna sheegay in la taageero shucuubta Oromo iyo Ogaden iyo 5 qoomiyadood ee isbahaysiga sameeyay. Wuxuu kusii daray in taliskaas larido ooy shucuubtaasi xornimodooda helaan iyo shacabka masarna uu taageeri sidii loo riday Mubaarak.

Barnaamijkan ayaa aad loogu qaadaa dhigay halista uu taliska Woyaanaha kuahyo shucuubta kuhoos dulman kuwaasoo ay waajib tahay in lagu garab istaago sideey xuquuqdooda u heli lahaayeen. Shacabka Masar ayaa aad uga cadhaysan mashruucan uu Gumaysigu kudoonayo nuu Biyo-Xidheen ka dhiso Wabiga Niil ooy noloshoodu ku tiirsan tahay Malaayiin Masaari & Suudaani ah. Hoos ka daawo barnaamijka.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay